Real Madrid Oo Warbixin Ka Soo Saartay Dhaawaca Karim Benzema.

PARTIDO DE LIGA

Kooxda Real Madrid ayaa war fiican ka heshay xaalada dhaawac ee weeraryahanka Karim Benzema kadib baadhitaan lagu sameeyay subaxnimadii saaka oo Arbaca ahayd.

Xiddiga reer France ayaa ku dhaawacmay kulankii Valencia isaga oo ka baxay qaybtii dambe kadib markii uu sii wadan kari waayay ciyaarta.

Karim Benzema ayaa baadhitaan lagu sameeyay waxana lagu ogaaday in dhaawaca ka soo gaadhay muruqu in uuna ahayn mid xun sidii markii hore laga cabsi qabay.

Xiddiga reer France ayaa diyaar buuxa u noqon doono kulanka ay Real Madrid 21 bishan la ciyaari doonto kooxda Villarreal ee horyaalka La Liga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*