Real Madrid Oo War Fiican Ka Heshay Tababarka Ka Hor Kulanka Liverpool.

Tababarkii 3-aad ee Real Madrid ayaa war fiican u keenay tababaraha Los Blancos ee Zinedine Zidnae.

Xiddigaha khadka dhexe ee Toni Kroos & Fede Valverde ayaa ku soo laabtay tababarka waxana ay haatan fursad u haystaan in ay ciyaaraan kulanka Eibar ee bilowga todobaadka inkasta oo jimcaha la qiimayn doono xaaladooda.

Labada xiddig ee khadka dhexe ayaa ku soo laabtay garoonka iyaga oo kubada tababarka ku qaadanaay Arbacadii ka hor inta ayna maanta oo khamiis ah iyo jimcaha ka qayb qaadan tababarka buuxa.

Si kasta ha ahaatee tababare Zidane ayaan ku khamaari doonin labada xiddig maadama uu Liverpool ka hor tagi doono 6 bisha kulan ka tirsan champions League lugta 1-aad ee 8 dhamaadka.

Labada xiddig ayaan aadin waajibaadka xulalkooda sabab la xidhiidha dhaawac waxana ay rajaynayaa in ay taam u noqdaan kulamada kooxdooda kadib fasaxa xulalka.

Sii Akhriso: U Gaar Ragga: 4 Qodob Ee Ugu Muhiimsan Aas-aaska U Ah Ee Xulashada Xaaska Kugu Haboon.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*