Real Madrid Oo War Fiican Ka Heshay Tababarka Ka Hor Kulanka Chelsea.

Xiddigaha Sergio Ramos iyo Ferland Mendy ayaa qaatay tababarka Real Madrid ee maanta oo Isniin ah taas oo kor u qaadaysa fursadohooda in ay ka soo muuqdaan shaxda Kooxda kulanka chelsea ee Arbacada.

Tababare Zinedine Zidane ayaa hogaamiyay tababarka waxana uu ku farxay in ay labada xiddig ee muhiimka u ah kooxdiisa ku soo laabtaan tababarka buuxa ka hor kulanka lugta 2-aad ee Semi-final-ka champions League.

Waxa uu shaki ku jiray Ramos marka la eego in uun kabtanku ciyaaray kaliya 3 kulan ilaa haatan sanadka 2021.

Soo laabashada xiddiga Ferland Mendy ayaa sidoo kale war fiican u ah idane marka la eego in Lucas Vazquez iyo Dani Carvajal dhaawac ku seegi doonaan.

Soo laabashada labada xiddig ayaa shaki la’aan war weyn u ah kooxda Real Madrid kuwaas oo doonaya in ay iska xaadiriyaan Final-ka tartanka champions League xilli ciyaaredkan.

Sii Akhriso: Waa Maxay Jacaylka Shuruudaha Leh & Jacaylka Shuruud La’aanta Ah & Farqiga U Dhexeeya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*