Real Madrid Oo War Fiican Ka Heshay Tababarka Ka Hor Kulanka Alaves.

Kooxda Real Madrid ayaa war fiican ka heshay tababarka ka hor kulanka Deportivo Alaves ee horyaalka La Liga sida uu sheegayo wargayska MARCA.

Wargayska MARCA ayaa sheegay in uu uu xiddiga Éder Militão ku soo laabtay tababarka buuxa kadib markii uu ka soo kabsaday xanuunka Korona.

Daafaca reer Brazil ayaa ku soo laabtay tababarka kadib markii laga waayay xanuunka waxana uu war fiican u yahay Zidane oo ku dhibaatoonayay dhanka daafaca maadama uu Sergio Ramos ka maqan yahay.

Daafaca Éder Militão ayaa haatan taam u noqon doona in uu ka qayb qaato kulanka ay Real Madrid la ciyaari doonto kooxda Deportivo Alaves ee horyaalka La Liga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*