
Tababaraha Real ee Zidane ayaa war aan wacneyn ka helay ka hor kulanka Cope Del rey ee ay berito la ciyaarayan kooxdaan CD Alcoyano
Kulankaas waxaa la xaqiijiyay in Real ay weynayaan Dani Carvajal kaasi oo xanuun ku dareemay taabarkii kooxda
Wargeyska Marca ayaa soo xiganaya in laacibkaas uu dareemay xanuun muruqa bowdada taasina ay keeneyso in uusan ciyaarin kulankaas
Garabkaas middig Real ayaa talaadadii ka qeyb qaatay tababrkii guud balse xanuun ayuu dareemay waliba isla aaggii horay looga haleelay ee keenay in uu kooxdaas ka maqnaado
Sidaas oo ay tahay Real weli war rasmi ah kama aysan soo saarin xaaladiisa oo ku aadan xilliga uu soo laaban karo
Kulankaas waxaa la filayaa in Zidane uu nasiiyo goolhayaha koowaad ee kooxda waxa uuna fursad siinayaa Andriy Lunin oo ay noqoneysaa markii ugu horeeysay e koxda la soo muuqdo
Be the first to comment