Real Madrid Oo Wadahadalo Rasmi Ah LA Furtay PSG Si Ay Uga Hesho Saxiixa Kylain Mbapp

Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa inay isku diyaarineyso inay wadahadalo Ku aadan Kylian Mbappe la gasho kooxda PSG sida ay sheegayaan wararku.

Heshiiska xiddiga 22 jirka ah ee kooxda PSG ayaa dhici doona xagaaga dambe waxana uu diiday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxdda reer France.

Real Madrid ayaa ugu cad-cad saxiixa xiddiga iyaga oo muddo dheer doonayay saxiixa xiddiga dhaliyay 132 gool 61 kalena caawiye ka noqday 171 kulan oo uu u saftay PSG.

Sida laga soo xigtay 90min, Los Blancos ayaa isku diyaarinaysa in ay wadahadalo la furto kooxda PSG si ay u hesho saxiixa xiddiga Mbappe inta lagu jiro suuqa xagaagan.

Wararka ayaa sheegaya in bixitaanka Ramos iyo Varane in ay Real Madrid ka caawiyeen fursad ay kula saxiixan karaan xiddiga Mbappe inta lagu jiro suuqa xagaagan.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Sidee Ayaad U Xidhan Kartaa Qalbiga Gabadha Adiga Oo Aan Ku Odhan Kalamada “Waan Ku Jecelahay”. Waa Waddo Fudud.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*