Real Madrid Oo Wadahadalo La Bilowday Badalka Zinedine Zidane.

Kooxda Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa in ay haatanba wadahadalo la furtay tababarihii ay ku badali lahayd Zinedine Zidane dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Real Madrid ayaa la sheegayaa in ay wadahadalo la furtay tababaraha kooxda RB Leipzig ee Julian Nagelsmann si ay ugu badasho tababare Zinedine Zidane dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Real Madrid ayaa isku diyaarinaysa la’aanta tababare Zinedane Zidane kaas oo si weyn loo filayo in laga caydhiyo shaqda dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Wargayska Bild ee reer Germany ayaa sheegay in ay Real Madrid Julian Nagelsmann u aragto tababaraha ku haboon ee shaqada ka badali kara Zidane.

Tababare Julian Nagelsmann ayaa shaqo fiican ka qabtay kooxda RB Leipzig isaga oo geeyay semi-final-ka tartanka champions League xilli ciyaareedkii hore.

Sii Akhriso: Kalmado Calaacal Ah Oo Qalbiga Ku Xanuujinaya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*