Real Madrid oo u sii dhawaaneysa horyaal , Ramos ayaa guul ku hogaamiyay

Real Madrid ayaa hoggaanka horyaalka LaLiga ku qabatay afar dhibcood oo nadiif ah kaddib markii ay 1-0 kaga adkaatay Getafe oo ay ku martigelisay Alfredo Di Stefano.

Sergio Ramos ayaa kooxdiisa ku hoggaamiyey guul ay ku rafaadeen, kaddib markii uu dhaliyey gool rikoodhe ahaa oo qaybtii dambe loo dhigay.

Horyaalka LaLiga oo ay ka hadhsan yihiin shan ciyaarood oo kaliya ayay Real Madrid kusii dhowaanaysaa inay koobka, waxaanay guushani siisay inay afar dhibcood ka sarrayso Barcelona oo saddex ciyaarood si lama filaan ah barbarro u gashay.

Shaxdii labada kooxood

REAL MADRID STARTING XI (4-3-3): Thibaut Courtois; Dani Carvajal, Raphael Varane, Sergio Ramos, Ferland Mendy; Luka Modric, Casemiro, Toni Kroos; Isco, Karim Benzema, Vinicius Junior.

Kaydka: Rodrygo, Federico Valverde, Lucas Vazquez, Mariano, Marcelo, Eder Militao, Brahim Diaz, Gareth Bale, James Rodriguez, Marco Asensio, Luka Jovic, Alphonse Areola.

GETAFE STARTING XI (4-4-1-1): David Soria; Damian Suarez, Djene Dakonam, Xabier Etxeita, Mathias Olivera; Allan-Romeo Nyom, Nemanja Maksimovic, David Timor, Marc Cucurella; Mauro Arambarri; Jaime Mata.

Kaydka: Hugo Duro, Leandro Chichizola, Chema Rodriguez, Jason, Angel Rodriguez, Jorge Molina, Marco Lavin, Francisco Portillo, Florent Poulolo, Amath Ndiaye, Faycak Fajr.

Zinedine Zidane ayaa saddex beddel ku sameeyey shaxdii uu kula ciyaaray Espanyol, waxaanu keenay Mendy, Modric iyo Vinicius, halka uu kaydka dhigay Marcelo iyo Valverde iyo Eden Hazard oo aan liiskaba lagu soo darin.

Getafe ayaa samaysay fursaddii ugu horreysay ee ahayd mid weyn, waxaana kubbad kasoo wada shaqeeyey Nyom iyo Maksimovic, waxaanay usii gudbiyeen Etxeita, waxaana nasiib wanaag goobta joogay Courtois oo badbaadin wanaagsan sameeyey.

Real Madrid ayaa ku jawaabtay weerar ku qasbay goolhaye David Soria inuu badbaadin sameeyo kaddib markii uu Mendy kubbad hoose kusoo tuuray, taas oo uu helay Vinicius oo isaguna goolka toogtay, hase yeeshee Soria ayaa si degdeg ah uga falceliyey oo goolkiisa ka diiday kubaddaas.

Qaybta hore ayay ciyaartu ahayd weerar iyo rogaal celis, ay labada kooxoodba midba mar duullaan lagu qaadayay, hase yeeshee Getafe ayaa ahayd mid dhibaato badan ku haysay, iyagoo kasoo gelayay dhexda iyo garabyada.

Zidane ayaa qorshihiisa ciyaareed kala dhantaalmay markii uu dhaawac soo gaadhay difaaca reer France ee Raphael Varane oo garoonka laga saaray daqiiqaddii 33aad, waxaana lagu soo beddelay Eder Militao.

Qaybta hore ayaa kusoo dhamaatay goolal la’aan iyadoo ay yaraayeen fursadaha waaweyn ee caddaanka ah ee goolal noqon karayay.

Real Madrid ayaa si fiican gacanta ugu dhigtay ciyaarta qaybta labaad, waxaana jiibta iyo jaanta isla helay Modric, Kroos iyo beddelladii uu Zidane sameeyey ee Valverde, Asensio iyo Rodrygo.

RIKOODHE: Real Madrid ayaa loo dhigay rikoodhe daqiiqaddii 78aad kaddib markii uu Dani Carvajal dhinaca midig kala soo galay kubbad uu kasoo qaatay meel hore, waxaana labada lugoodba uga qaaday Olivera.

GOOOOOAAAAALLLLL!!!! Real Madrid ayaa hoggaanka ciyaarta qabatay, waxaana rikoodhaha qaatay Sergio Ramos oo sidii lagu yaqaanay iskula soo gaabiyey laag uu dhinac toogtay, waxaanu ku hubsaday shabaqa.

Ciyaarta goolka kaddib u badatay Real Madrid oo aan iyaduna cabsi badan qabin, waxaanay samaysay isku-dayo ay goolal kale ku dhalinayaan, laakiin khatar weyn may dhicin marka

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*