Real Madrid Oo U Diyaargaroobaysa U Dabaal Daga Horyaalka La Liga.

Kooxda Real Madrid ayaa ugu cad-cad ku guulaysiga horyaalka La Liga ee xilli ciyaareedkan iyaga oo 4 dhibcood ku hogaaminaya xilli 2 kulan ka hadheen waxana ay haatanba isku diyaarinayaan diyaar garawga dabaal daga.

Kooxda ayaa haatanba suuqa dhigtay oo iibinaysa maaliyada ay ugu dabaal dagayso ku guulaysiga horyaalka oo lagu daabacay tirada koobabka horyaalka La liga ee ay ku guulayteen.

Waxa saacadihii ugu dambeeyay baraha bulshada la isla dhexmarayay maaliyada ay ku qorantahay”Campeones” oo ah luuqada Spain English ahaana ah “Champions League” oo ay sii raacsantahay No.34 oo ah inta jeer ee ay Los Blancos ku guulaystay horyaalka La Liga.

Real Madrid ayaa kaliya u baahan in ay guul ka gaadho Kulanka Vilarreal si ay isla caawa ugu dabaal dagto ku guulaysiga horyaalka La Liga.

Sii Akhriso: Qarax Weyn Oo Dhimasho & Dhaawac Sababay Oo Ka Dhacay Muqdisho.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*