Real Madrid Oo Suuqa Dhigtay Eden Hazard & Laba Kooxood Oo Uuna Ku Biiri Doonin Oo La Ogaaday.

Kooxda Real Madrid ayaa Eden Hazard dhigtay suuqa kala iibsiga sida laga soo xigtay saxafiga lagu kalsoonyahay ee Mario Cortegana.

Hazard ayaan doonayn in uu ka tago kooxda inta lagu jiro suuqa January maadama uu dhawaan Aabe noqday isla markaasna uuna doonayn in uu qoyskiisa nolol cusub galiyo.

Si kasta ha ahaatee xiddiga ayaa diyaar u ah in uu aqbalo dalabyada u imanaya suuqa xagaaga dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Kooxaha Chelsea iyo Newcastle United ayaa haatanba la hubaa in uuna Hazard ku biiri doonin sabab la xidhiidha mushaharkiisa aadka u sareeya ee uu qaato.

Xiddiga 31 jirka ah ayaa 59 kulan u saftay kooxda Real Madrid ilaa haatan waxana uu dhaliyay 5 gool iyo 10 caawin intii uu joogay kooxda.