Real Madrid Oo Sii Dheeraystay Rikoodh Khaas Ah Oo Ay Kaga Fiicantahay Kooxaha Kale Champions League

Kooxda Real Madrid ayaa ah kooxda ugu badan ee gaadhay Semi-final-ka tartamada yurub iyaga oo gaadhay 30 jeer iyada oo xaqiiqadu tahay in ayna jirin koox u dhaw.

Bayern Munich ayaa ah kooxda ugu soo dhaw waxana ay gaadhay 21 Semi-final halka ay Barcelona oo ku xigta gaadhay 16 jeer iyada oo Ac Milan gaadhay 12 jeer.

Sanadihii ugu dambeeyay Real Madrid ayaa dheeraystay hogaankeeda iyaga oo gaadhay Semi-final 9 ka mid ah 11-kii sano ee ugu dambeeyay waliba 4 ka mid ah ku guulaystay tartanka.

Semi-final-kan ayaa noqon doona midkii 4-aad ee Zinedine Zidane ee champions League isaga oo ku guulaystay 3-dii jeer ee hore ee uu gaadhay 4-ta kooxood ee ugu dambaysa.

Tababare Zidane ayaa garaacay kooxaha Manchester City, Atletico Madrid & Bayern Munich 3-dii Semi-final ee uu gaadhay tartanka champions League.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: 5 Nooc Oo Dumarka Ah Oo Ay Raggu Iska Ilaaliyaan Waliba Ayna U Soo Istaagin, Ayay Kala Yihiin?

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*