Real Madrid Oo Qorshaynaysa In Ay La Soo Saxiixato Sadio Mane?

Kooxda Liverpool ayaa wajaysa dagaal adag oo ay u galayso sii haysashada saxiixa xiddiga Sadio Mane kaas oo la sheegayo in uu tababaraha Real Madrid ee Zinedine Zidane doonayo saxiixa xiddiga reer Senegal.

Xiddiga Sadio Mane ayaa door muhiim ah ka lahaa ku guulaysiga kooxda Liverpool ee ku guulaysiga horyaalka Premier League iyo Champions League.

Xiddiga 28 jirka ah ayuu heshiiskiisa Liverpool uga hadhsanyahay waxana uu bartilmaameed u yahay kooxda Real Madrid suuqa xagaaga.

Wargayska Independent ayaa sheegaya in uu Zidane taageere u yahay xiddiga garabka ka ciyaara waliba doonayo saxiixiisa marka la gaadho suuqa xagaaga.

Wararka ayaa sheegaya in ay Los Blancos diyaar u tahay in ay Mane u laba jibaarto mushaharka uu ka qaato Liverpool hadii uu ku biiro kooxda xagaaga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*