Real Madrid Oo Qarka U Saaran Saxiixa Xiddiga Kylain Mbappe

Ku Biiristii Kylian Mbappe ee Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhawdahay in la dhamaystiro.

Xiddiga 23 jirka ah ayaa ku jira bilihii ugu dambeeyay ee PSG waxana uu diiday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda Ka dhisan caasimada France.

Saxafiga reer Spain ee Gemma Soler ayaa sheegaya in ay Real Madrid rumaysantahay in ay qarka u saarantahay dhamaystirka saxiixa Mbappe.

Isla saxafiga ayaa sheegay in ay Real Madrid ku kalsoontahay in ay dhamaystiri doonto saxiixa xiddiga laakiin aanay haatan shaacin doonin sabab la xidhiidha Ixtiraam ay u qabaan Kooxda PSG.

Mbappe ayaa kooxda PSG u dhaliyay 19 isla markaas caawiye ka noqday 15 gool 27 kulan tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan.