Real Madrid Oo PSG U Qabatay Wakhti Kama Dambays Ah Oo Ay Doonayso In Ay Ku Dhamaystirto Saxiixa Kylian Mbappe

Maalinta ugu dambaysa ayaa soo dhow, Kooxda Real Madrid-na ma doonayso in ay sugto wakhti dheer si ay u dhammaystirto saxiixa Kylian Mbappe, waana sababta ay PSG ugu sheegtay wakhti kama dambays ah.

Ka dib markii ay xiddiga ka gudbisay dalab cusub oo 170 milyan euro ah iyo 10 milyan oo Guno ah khamiistii, Real Madrid ayaa wali sugaysa jawaabta PSG.

sida laga soo xigtay Le Parisien, madaxda Real Madrid ayaa siiyay PSG waqti kama dambeys ah, iyada oo ujeedadu tahay in dalabkooda la aqbalo Sabtida ama Axadda midkood.

Kooxaha ayaa hadda la sheegay inay wada xaajood ku jiraan, halka Mbappe uu doonayo in arrinta la xaliyo ka hor Isniinta markaas oo ah marka uu aadayo waajibaadka xulka qarankiisa France.

Florentino Perez ayaa doonaya in saxiixa sida ugu dhaqsiyaha badan loo dhammeystiro wuxuuna doonayaa in PSG ay aqbasho dalabka ama ay diido si ay dhankooda go’aan uga qaataan arinta.

Sii Akhriso: 10 Calaamad Ee Jacaylka Dhabta Ah Ee Ka Dhexeeay Laba Qof Ee Ku Baraysa Macanahay jacaylka Dhabta Ah Markii Ugu Horaysay