Real Madrid Oo Looga Digay Halista Xiddig U Ciyaara liverpool Ka Hor Kulankooda Champions League, Mana Ahan Salah, Mane & Firmino.

Kooxda Real Madrid ayaa marti galin doonta Liverpool Salaasada lugta 1-aad ee wareega 8 dhamaadka champions league wargayska MARCA ayaana Real Madrid uga digay Halista xiddiga Diogo Jota kaas oo qaab ciyaareed fiican ku jira.

Xiddiga reer Portugal ayaa si fiican ku bilowday nolosha Liverpool kadib markii uu xagaagii kaag soo biiray Wolves inkasta oo uu kulamo dhaawac uga maqnaa kooxda.

Jota aaya dhaliyay 6 gool oo premier League ah iyo 4 champions League isaga oo saddexley ka dhaliyay tartanka champions League xilli ciyaareedkan.

Waxa intaas sii dheer in uu xiddigu wacdaro u dhigay xulka qarankiisa Portugal isaga oo 3 gool dhaliyay 3-dii kulan ee uu xulkiisu ciyaaray kulamada is reeb-reebka koobka adduunka.

Isla wargayska ayaa sheegay in halista ugu weyn ee ay xiddigaha Real Madrid wajihi doonaan yahay xiddiga Diogo Jota marka loo eego in uu qaab ciyaareed cajiib ah ku jiro tan ilaa markii uu dhaawaca ka soo kacay.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: 7 Wado Oo Cajiib Ah Oo Aad “Waan Ku Jecelahay” Ugu Odhan Karto Gacaliyahaaga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*