Real Madrid Oo Looga Cabsiinayo Robert Lewandowski Kadib Markii Uu Ku Biiray Barcelona

Barcelona ayaa dhaleecayn iyo jeesjees kala kulmaysa saxaafada Madrid iyo jamaahiirta Real Madrid iyagoo ku eedeeyay 50 milyan oo euro oo ay ku soo iibsadeen Robert Lewandowski oo 32 jir ah.

Si kastaba ha ahaatee Halyeeyga Blaugrana Hristo Stoichkov ayaa sheegay iy Barcelona noqon doonto kooxda ku dambayn doonta qosolka

“Markii uu joogay Dortmund, waxa uu afar gool ka dhaliyay Real Madrid, aan aragno inay sii qosli doonaan iyo in kale,” Halyeyga Bulgaria ayaa u sheegay Mundo Deportivo”

“Lewandowski waxa uu dhalin doonaa goolal badan waxana uu madax xanuun ku noqon doonaa kooxaha ka soo horjeeda”ayuu sii raaciyay.

Lewandowski ayaa noqday saxiixii 4-aad ee ay samaysay kooxda Barcelona waxana uu doonayaa in uu kooxda ka caawiyo in ay dib ugu tartanto koobabka kala duwan.