Real Madrid Oo Loo Sheegay In Uu Isco Isaga Tagi Doono Kooxda & Gareth Bale Oo Sabab U Noqon Kara.

Isco ayaa ciyaaray kulankii Cadiz ee ay Real Madrid guuldarada la kulantay horyaalka La Liga laakiin xiddiga reer Spain ayaan kulamo badan ciyaarin sabab la xidhiidha in uu ku dhibaatooday in uu qaab ciyaareed fiican oo joogto ah soo bandhigo.

Halyeeyga reer Brazil ee Rivaldo ayaana aaminsan in uu Isco dooran doono in uu isaga tago kooxda si uu u raadsado koox uu joogto ugu ciyaaro.

Rivaldo ayaa sheegay in uu Isco tusaale u qaadan karo xiddiga James Rodriguez kaas oo wacdaro ka dhigaya si joogto ahna ugu ciyaara kooxda Everton.

“Isco waxa uu wakhti fiican ku soo qaatay Real Madrid, waxa uu wakhti muhiim u ahaa kooxda laakiin haatan arintaas kuma dhacayso haatan”ayuu Rivaldo Yidhi.

“Waxa laga ayaabaa in uu eego xaalada James Rodriguez kadib tusaale ka dhigto isagana tago kooxda Real Madrid marka uu furmo suuqa kale”.

“Xiddiga reer Colombia waxa uu ku jiraa wakhti fiican mana yaabi doono hadii uu Isco wadadaas oo kale maro”.

“Isco haatan waxa uu daawanayaa James waxana uu ogyahay in uu ku faraxsanyahay go’aankii uu kaga tagay Real Madrid waliba uu helay koox uu joogto ugu ciyaaro”.

“Isco ayaana mari kara wadadaas oo kale hadii uuna Zidane siin fursado fiican”.

Sii Akhriso: Ciidamo Badan Oo Ka Tirsan Kuwa Gaarka U Tababaran Ee Dawlada Federaalka Somaliya Oo Loo Daad-Gureeyay Magaalada Jowhar + Sabab.

Laacib.net

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*