Real Madrid Oo La Xidhiidhay Xiddig U Ciyaara Liverpool & Xiddiga Oo Ka Fikiraya In Uu U Dhaqaaqo Spain.

Xiddiga Liverpool uga ciyaara weerarka ee Roberto Firmino ayaa la sheegayaa in uu xidhiidh ka helay Masuuliyiinta Real Madrid waliba uu xiddigu ka fiirsanayo in uu ku biiro Los Blancos sida ay sheegayaan wararku.

Roberto Firmino Ayaa ka mid ah xiddigaha ugu fiican Jurgen Klopp waxana uu door muhiim ah ka yahay qorshaha tababaraha ee mustaqbalka.

Xiddiga ayaa Liverpool kula jira heshiis dhici doona ilaa xagaaga 2023 laakiin wargayska Todofichajes ayaa sheegaya in uu xiddigu bilaabay in uu ka fikiro ka tagista kooxda.

Isla wargayska ayaa sheegaya in maamulka Real Madrid doonayaan in uu Firmino ka qayb noqdo dhiiga cusub ee kooxda lagu soo dari doono marka uu tababare Mauricio Pochettino la wareego tababarista kooxda.

Zidane ayuu cadaadis xun saaran yahay kadib markii ay kooxdu si xun ku bilaabatay xilli ciyaareeedkna inkasta oo ay guul ka gaadheen kulankii El Clasico.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*