Real Madrid Oo Ku Sii Dhawaanaysa Saxiixa Qarniga

Real Madrid ayaa haatan ka shaqeyneysa qorsheynta suuqa xagaaga dambe waxana ay indhaha ku heysaa labada ciyaaryahan ee Kylian Mbappe oo ka tirsan Paris Saint-Germain iyo Erling Haaland, oo ka tirsan Borussia Dortmund.

Defence central Sida laga soo xigtay shabakadda Real Madrid ayaa dooneysa inay hubiso inay maamusho dhammaan kubadda cagta adduunka sannadaha soo socda lana soo saxiixdaan xiddigaha ugu waaweyn.

Xubnaha guddiga Real Madrid ayaa haatanba la xidhiidhay xiddiga Erling Haaland si ay u dhamaystiraan heshiiskiisa laakiin ilaa haatan wax heshiis ah lama gaadhin.

Maamulka Real Madrid ayaa doonaya in ay bixiyaan lacagta lagu bur-burin karo heshiiskiisa kaas oo noqon kara 65 milyan oo euro kaas oo la heli karo xagaaga soo socda.

Real Madrid ayaan halkaas ku joogsan doonin waxana ay sidoo kale doonaysaa in ay dhamaystirto saxiixa xiddiga Kylian Mbappe kaas oo ay doonayeen saxiixiisa ilaa xagaagii la soo dhaafay.

Sii Akhriso: Gabadheey, Ma Doonaysaa In Aad Guul Ka Gaadho Nolosha Guurka, Ma Doonaysaa In Aad Farxad Kula Noolaato Gacaliyahaaga, Iska Ilaali In Aad Ogolaato Guurka 6 Nooc Ee Ragga Ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*