Real Madrid Oo Ku Dhawayd Saxiixa Neymar Laakiin Hadal Uu Xiddiga Reer Brazil U Sheegay Xiddigaha Barcelona Oo Dib U Dhigay Heshiiska.

Kooxda Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa in ay maalmo yar ka hor ku dhawayd in ay Barcelona ka dul qaadaan saxiixa Neymar sida ay sheegayaan wararku.

Kooxda Real Madrid iyo Barcelona ayaa ku tartamaya saxiixa Neymar kaas oo doonaya in uu isaga tago kooxda PSG intalagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Xiddiga reer Brazil ayaa doonaya in uu isaga tago PSG kadib 2 sano oo uu ku qaatay kooxda ku ciyaarta caasimada France.

Barcelona ayaa loo arkaa kooxda ugu cad-cad tartanka Saxiixa Neymar laakiin wargayska Sport ayaa sheegaya in ay Real Madrid ku dhawayd saxiixa Neymar maalmo yar ka hor.

Wargayska ayaa sheegaya in ay kooxda Real Madrid si aad ah ugu dhawayd saxiixa Neymar laakiin xiddiga ayaa saaxiibadiisii hore ee Barcelona u qirtay in uu doonayo in uu kaliya ku soo laabto kooxda Barcelona taas oo keentay in ay Real Madrid isaga laabato tartanka sabab la xidhiidha in ay ku ceebawdo tartanka.

Advertisements

Kooxda Barcelona ayaa dhankeeda si cad u doonaysa in ay Neymar ku soo celiso Camp Nou kadib markii uu 2 sano ka hor si lama filaan ah uga tagay kooxda kuna biiray kooxda PSG.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*