Real Madrid Oo Ku Dhaw In Ay Heshiis Cusub Ka Saxiixato Xiddig Muhiim U Ah Kooxda.

Kooxda Real Madrid ayaa ku dhaw in ay heshiis cusub ka saxiixato xiddiga daafaca Midig uga ciyaara kooxda ee Dani Carvaja sida ay sheegayaan wararka ka imanaya Spain.

Wargayska MARCA ayaa sheegaya in uu Dani Carvaja ku dhawyahay in uu ogolaado heshiis cusub oo uu kooxda ku sii joogi doono ilaa xagaaga 2024 taas oo la macno ah in uu heshiis 2 sano ah ku dari doono heshiiska uu haatan kula jiro kooxda.

Waxa kaliya ee haatan hadhay ayaa ah in uu xiddiga 28 jirka ah qalinka ku duugo heshiiska kooxduna si Rasmi ah ugu dhawaaqdo heshiiska.

XiddigaDani Carvaja oo ka soo baxay Akademiyada kooxda ayaa laf dhabar u ah kooxda Zidane waxana uu haatan dhaawac uga maqan yahay kooxda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*