Real Madrid Oo Ka Shalaynaysa Saxiixa Kylian Mbappe

Real Madrid ayaa sida muuqata ka qoomamaysa in Kylian Mbappe ay si xor ah kula soo wareegto xagaagan ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in lagu haysto kiis kufsi ah.

25-sano jirkaan ayaa lala xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo Los Blancos qeybtii ugu fiicneyd ee seddex sano ka hor inta uusan ugu dambeyntii ka imaan Paris Saint-Germain xagaagan, ka dib markii kooxda reer France ay diiday labo dalab oo sagaal ah 2021.

Mbappe ayaa ku guuldareystay inuu wacdaro dhigo ilaa haatan isaga oo dhaliyay 8 gool halka uu sameeyay hal caawin 11 kulan oo uu ciyaaray.

Si kasta ha ahaatee xiddiga reer France ayay la soo daristay eedayn ku saabsan kufsi uu ku gaystay Sweden.

Sida laga soo xigtay Colininterview, Real Madrid ayaa rajaynaysay in ayna la soo saxiixan xiddiga suuqii xagaaga.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga