Real Madrid Oo Ka Jawaabtay Qirashadii Paul Pogba Ku Qirtay In Uu Doonayo Ku Biirista Bernabue.

Kooxda Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa in ay meesha ka saartay suurtagalnimo walba oo ay kula soo saxiixan karto xiddiga khadka dhexe ee kooxda Man United ee Paul Pogba inkasta oo uu xiddiga reer France qirtay in ay riyo u tahay ku biirista Los Blancos.

Bilowgii todobaadkan ayuu xiddiga Paul Pogba albaabka u furay ku biirista Real Madrid kadib markii horay loola xidhiidhiyay xiddiga suuqii xagaaga.

Laakiin Paul Pogba ayaa ugu dambayn sii joogay Man United isaga oo door muhiim ah ka ciyaaray qaab ciyaareedka kooxda bilihii ugu dambeeyay.

Wargayska AS ayaa sheegaya in uuna Zinedine Zidane u dhaqaaqi doonin saxiixa Paul Pogba sabab la xidhiidha in muhiimadooda 1-aad ee xagaaga dambe noqon doono saxiixa Kylian Mbappe iyo xiddigo kale sida Eduardo Camavinga & Erling Braut Haaland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*