Real Madrid Oo Ka Jawaabtay Dalab Looga Doonayay Gareth Bale, Kooxdee Dalabka Miiska Saartay?

Kooxda Real Madrid ayaa iska diiday dalab ay Tottenham xiddiga Dele Alli kaga qayb dhigaysay helitaanka saxiixa xiddiga garabka ka ciyaara ee Gareth Bale.

Wakiilka Bale ayaa xaqiijiyay in uu xiddiga reer Wales ku laaban doono Tottenham iyada oo ay labada kooxood haatan wadahadalo ku jiraan.

Madrid ayaa si aad ah u doonaysa in ay iska dirto xiddiga 31 jirka ah si ay meesha uga saarto mushaharkiisa badan maadaama uuna Zidane qorshihiisa ku darin xiddiga.

Si kasta ha ahaatee Tottenham ayaa ka wal-walsan mushaharka xiddiga waxana jira warar sheegaya in ay Tottenham Dhigeeda Real Madrid miiska u saartay xiddiga Dele Alli si uu hoos ugu dhoco qiimaha xiddiga.

Laakiin wargayska Express ayaa sheegaya in ayna Real Madrid wax xiiso ah u hayn saxiixa Alli inkasta oo ay doonayso in ay iska dirto Gareth Bale.

Real Madrid ayaa madaxa xiddiga Gareth Bale dul dhigtay 18 milyan oo euro inkasta oo ay sidoo kale suurtagal tahay in uu marka hore si amaah ah ugu biiro kooxda Tottenham.

Laacib.net

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*