Real Madrid Oo Ka Jawaabtay Dalab Ay Liverpool Ka Gudbisay Xiddig Kooxdeeda Ah.

Real Madrid ayaa diiday dalabka Liverpool ee ah €70 milyan (£61m) ee Eduardo Camavinga.

Warbixin ka soo baxday wargeyska Isbaanishka ee Fichajes ayaa sheegaysa in Liverpool loo sheegay in Camavinga – oo sidoo kale ay daneynayso Arsenal – uusan iib ahayn.

Si kastaba ha ahaatee, xiisaha Liverpool suurtagal ma aha inuu dhammaado.

Madrid waxay u aragtaa Camavinga inuu yahay tiir muhiim ah oo mashruuca mustaqbalka fog, iyadoo madaxweynaha kooxda, Florentino Perez, uu u arko mid aan la beddeli karin, taasoo ka dhigaysa in iibkiisu bisha January“aan macquul ahayn.”

Liverpool ayaa xiddiga khadka dhexe ee Camavinga u aragta mid xoojin kara kooxda qaybta dambe ee xilli ciyaareedka.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga