Real Madrid Oo Ka Hadashay Mustaqbalka Varane, Miyay Fasaxayaan Mise?

Madaxweynaha Real Madrid ee Perez ayaa ka hadlay mustaqbalka daaficiisa Varane  kaasi oo aad loogu badinayo in uu baxayo .

Waxa  uu Perez qiray in aysan jirrin wax dalab ah oo laga keenay Varane isla markaana uusan wax ka ogeyn in laacibka xittaa uu doonayo in uu baxo xagaagaan

Varane ayuu hishiiskiisa ku siman yahay xagaaga dambe waxa uuna Perez yiri ” saxaafadda ayaan ka maqlaa sheekooyinka bixitaankiisa balse ma jirto wax aan ka ognahay , haatan Euro  2020 ayuu ku maqan yahay waxii cusub marka uu soo laabto ayaad maqleysaan”.

” Varane haddii uu baxayo iyo haddii uu joogayo waa uu hadlayaa dhawaan” ayuu sii raaciyay xilli laacibka si weyn loola xariirinayo kooxda Man Unted oo la tilmaamay in hishiiska shaqsiyadeed ay la gaareen

Dhanka kale Marcelo ayuu ka hadlay ” waxa uu noqonayaa kabtanka kooxda ka dib bixitaaka Ramos, hishiiskiisa sanad ayaa ka harsan”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*