Real Madrid Oo Ka Fal Celisay Fashilkii Barcelona Ee Ku Guulaysiga Spanish Super Cup-ka, Athletic Bilbao. Ayay Fariin U Dirtay.

Kooxda Real Madrid ayaa ka fal celisay ku guulaysigii kooxda Athletic Bilbao ee koobka Spanish Super Cup-ka ee ay ka qaaday kooxda Barcelona.

Athletic Bilbao ayaa Semi-finalka tartanka ku reebtay kooxda Real Madrid kadib markii ay ku garaacday 2/1 ka hor intii ayna Barcelona 3/2 ugu garaacin finalka tartanka.

Kooxda Real Madrid ayaa ciyaarta kadib fariin Hambalyo ah u dirtay kooxda Athletic Bilbao markii ay u dabaal dageen koobka Spanish Super Cup-ka.

Real Madrid ayaa bogeeda Twitter-ka ku soo qortay”Hambalyo, Athletic Bilbao iyo taageerayaashooda ku guulaysiga ay u qalmeen ay ay ku guulaysteen Spanish Super Cup-ka markii 3-aad ee taariikhdooda”.

Kooxda Athletic Bilbao ayaa xalay markii 3-aad ee taariikhdooda u dabaal dagtay ku guulaysiga tartanka Spanish Super Cup-ka kadib markii ay horay ugu guulaysteen 1984 iyo 2015.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*