Real Madrid Oo Isku Diyaarinaysa In Ay Laba Kooxood Oo Premier League Ah Ka Iibiso Vinicius Junior

Kooxda Real Madrid ayaa isku diyaarinaysa in ay xagaaga iska iibiso xiddiga garabka uga ciyaara kooxdeeda ee Vinicius Junior sida ay sheegayaan wararku.

Xiddiga 20 jirka ah ayaan wali si fiican u soo bandhigin qaab ciyaareed fiican tan ilaa markii uu kooxda ku soo biiray isaga oo kaliya 12 gool dhaliyay 94 kulan oo uu u ciyaaray kooxda.

Vinicius Junior ayaa ku soo biiray Real Madrid bishii May 2017 waxana uu noqday xiddiga 2-aad ee reer Brazil ee ugu qaalisan taariikhda suuqa isaga oo kooxda ugu yimid 46 milyan.

Wargayska AS ayaa sheegaya in ay Real Madrid doonayso in ay dib u soo ceshato qayb ka mid ah lacagtii ay ka soo bixisay xiddiga xagaaga.

Kooxda Real Madrid ayaa la sheegayaa in ay saxiixa xiddiga u soo bandhigtay kooxaha Arsenal iyo Liverpool kuwaas oo xiiso u muujiyay saxiixa xididiga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*