Real Madrid Oo Iska Xaadirisay Wareegga 4-ta Champion-ka , Liverpool Ayay Reebeen

Real Madrid ayaa u gudubtay wareegga 4-ta Champion-ka iyaga oo u maray Liveprool oo ay bar bard hac bilaa goolal ah ku hishiiyeen balse natiijadii kualnkii hore ee garoonkooda aya caawisay taasi oo aheyd 3/1

Qeybat hore , waxa ay Liverpool iyo Real ku nasteen bar bar dhac bilaa goolal ah xilli kooxda Klopp biloowgii ay muujiyeen in garoonkooda la joogo .

Cadaadis ayaa la saaray Real isla biloowgii ayaa Liverpool fursado goolal ah laga bad baadiyay .

Real jawiga ciyaarta ee qeybtaas hore waxa ay soo galeen waxii ka dambeeyay daqiiqaddii 15-aad waxa ayna Liverpool aheyd kooxda u dhaweyd in ay hesho gool .

Real oo daafac ku jirtay biloowgii hadana daqiiqaddii 19-aa gool ayay ku sigteen waxa ayna Benzema kaga dhacday birta waxa ayna aheyd hallka fursad ee Real sameeyeen qeybtaas hore .

Liverpool daafac ahaan aad ayay u wacnaayeen waxa ayna ku wacnaayeen cadaadiska oo kulamaa kubadda ay cagtooda ka baxdo waa ay soo laabanayeen kana qaadanayeen .

Real waxa ay qeybtaas hore ka sheegteen in kubadda dadajiyaan xilli mararka qaarna ay si ka bad badis ah gadaal dambe ugu celinayeen .

Guud ahaan , Real kubad cabsi leh ayay ciyaareysay waa ay adkeyd in ay horay u soo dhaqaaqaan waxaana muuqaneysay in Zidane ciyaartooyda ku amray in aysan boosaskooda ka dhaqaaqin oo marka kubad u soo laadaan afka hore Liverpool kaliya laba ciyaartooy ama sedex Real ay la arkayay kuwaasi oo daafaca Liverpool ku adkeyd in ay gadaal maraan

Qeybta labaad, Liverpool isla habkii hore cadaadis ayay ku bilaabeen waliba goolhayaha Rael ayaa u diiday in sabaqa tagaan xilli Real daqiiqaddii 53-aad kubad rogaal celis aheyd ku sigeen shabaqa Liverpool .

Klopp si kubadda ay ku sareeyeen goolla u turjumaan waxa uu daqiiqadii 60-aad soo giliyay Alcantara iyo Jota oo loo saaray Milner iyo Kabak

Liverpool inkastoo sahal u aheyd in ay kubadda gaarsiiyaan goosha Real hadana daqiiqadii 65-aad goolhayahooda ayaa si cajiib ah gool xaqiiq ahaa uga bad baadiyay Junior

Real badalkoodii ugu horeeyay waxa ay sameeyeen daqiiqaddii 72-aad waxa uuna tababre Zidane soo giliyay Alvaro Odriozola iyo Rodrygo oo loo saaray Kros iyo Junior

Heer kubadda hayshada Liverpool wax auu gaarayay %52 xilli dhanka kale badalada uu sameeyay Zidan eay keeneen in Real mararka qaar kubado halsi u dhaw keenaan goosah Liverpool .

Badel farsamo ah ayuu smaeeyya macalin Klopp waxa uuna saaray Mane iyadoo daqiiqadii 82-aad uu soo giliyay Sadio ManeAlex Oxlade-Chamberlain waxaana sii raacay Firminho isaga oo  soo giliyay Shaqiri  halka Zidane isna uu daqiiqadii 82-aad oo giliyay Ico oo lo saaray Asensio .

Dhamaadkii , Liverpool waxaa ka go`neyd in kubadda si fog u gaarsiiyaan sedex xagalka Real balse daafca Real waa ay tashteen waana diideen xilli ciyaarta ay ku dhamaatay bar bar dhac bilaa goolal ah balse Rela ayaa u gudubtay wareegga 4-ta marka la eego natiijada kulankii hore oo aheyd 3/1

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: 4 Nooc Oo Ragga Ah Oo Ay Dumarku Ka Faa’iidaystaan, Miyaad Ka Mid Tahay

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*