Real Madrid Oo Iska Xaadirisay Wareega 16-ka Copa del Rey-ga, Elche Ayay Dhaafeen

Kooxda Real Madrid ayaa iska xaadirisay wareega 16-ka tartanka Copa del Rey-ga kadib guul ay ka gaadheen kooxda Elche.

Kulanka ayaa ahaa mid lagu daray 30 daqiiqo ee dheeri ah kadib markii ay labada kooxood isku dhaafi waayeen 90-kii daqiiqo ee ciyaarta.

Los Blancos ayaa inta badan wakhtigii dheeriga ahaa ee lagu daray ciyaarta ku dhamaystay 10 xiddig kadib markii xiddiga Marcelo kaadhka cas loo taagay daqiiqadii 102-aad ee ciyaarta.

Kooxda Elche ayaa ka faa’iidaysatay casaanka loo taagay Real Madrid waxana ay daqiiqadii 103-aad dhaliyeen goolka 1-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay xiddiga Gonzalo Verdu kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.

Laakiin Los Blancos ayaa daqiiqadii 108-aadba dhalisay goolka bar-baraha waxana u dhaliyay xiddiga Isco kaas oo ciyaarta ku soo celiyay kooxdiisa kana dhigay 1/1.

Kooxda Real Madrid ayuu daqiiqadii 115-aad goolka u dhaliyay xiddiga Eden Hazard kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1 ay Kooxdiisu ku hogaaminayso.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Real Madrid iska xaadirisay wareega 16-ka ee tartanka Copa del Rey-ga xilli ciyaareedkan.