Real Madrid Oo Iska Qasaraisay Fursad Loolanka La Ligaha Ah , Getafe Ayay bar-bardhac Bilaa Goolal Ah Galeen

Real Madrid ayaa ka bad baaday guul darro ay kala kulmaan Getafe oo ay bar bar dhac bilaa goolal ah wada galeen waxaana arintaas looga mahad celinayaa goolhayahooda.

Getafeayaa soo bandhigtay ciyaar aad u wacan oo dar dar leh waxa ayna halis ku ahaayeen in Real goolal kaga naxsadaan waqti  hore oo ciyaarta ah  xilli daqiiqdii 22-aad ay diiday birta Real

Getafe qeybtii hor aad ayay u wacnaayeen , waxa ayna ciyaarayeen kubad deg degsiimo leh halka marka cagtooda ay ka baxsadana ay cadaadinayeen wilasha Zidane

Real qeybtii hore waxaa laga diiday gool ay dhaliyeen sababo Offside la xartiira balse guud ahaan  waa laga wacnaa waxaana badbadinayy goolhayahooda .

Qeybta labaad , wax is badal ma jirrin waxaana mar waliba halis aheyd Getafe, waxaana Real loo diiday in kubadda ay si ax ah u soo gaarsiiyaan goosha Granada .

Macalin Zidane si xal uu u  helo , weerarkana u wacnaado waxa uu daqiiqadii 65-aad soo giliyay Karim Benzema iyo Blanco oo kulankiisii ugu horeeyay xilli ciyaareedkaan ciyaaray  balse kooxda garoonka dhan waliba waa ay ka wacnaayeen halak badelkooda sedexaad  ay ku soo giliyeen Arribas waxa ayna aheyd daqiiqadii 78-aad

Real wax  ay ansiib ku leeyihiin in goolhaye Courtois ay haystaan kaasi oo kubado xaqiiq ahaa si cajiib ah gooshiisa uga bad baadinayay .

Real waxaa lagu dilay dadajinta kubaddakaliya nasiibka ayaa ka maqnaa waa ayna mudnaayeen gool ay helaan xilli Real aysan soo bandhigin ciyaar qurxoon waxa ayna qasaariyeen fursad weyn  oo dhanka loolanka  horyaalka ah

 

 

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*