Real Madrid Oo Heshay Wado U Fududaynaysa Saxiixa Kylian Mbappe

Kooxda Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa in ay xiddiga Vinicius Junior u ogolaan doonto in uu ku biiro kooxda PSG hadii ay ka caawinayso in ay helaan saxiixa xiddiga Kylian Mbappe suuqa xagaaga.

Xiddiga reer france ayuu 2 sano uga hadhsanyahay heshiiskiisa kooxda PSG waxana si weyn loola xidhiidhinayaa in uu ka tagayo kooxda.

Inkasta oo uu xanuunka Korona saameeyay dhaqaalohooda hadana Real madrid ayaa la sheegayaa in ay isku diyaarinayso in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga reer France suuqa xagaaga.

Barnaamijka El Chiringuito ayaa sheegaya in ay Real Madrid ku kalsoontahay in ay dhamaystiri doonto saxiixa xiddiga marka la gaadho suuqa xagaaga ee dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Isla Barnaamijka ayaa sheegaya in ay Real diyaar u tahay in ay heshiiska Mbappe ku darto xiddiga Vinicius Junior Si uu ugu fududaado helitaanka saxiixiisa marka la gaadho suuqa xagaaga.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Fariimo Jacayl Oo Aad Gacaliyahaaag Ku Dareensiin karto In Uu Boro Yahay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*