Real Madrid Oo Guuldaro Niyad Jab Leh Kala Kulantay Kooxda Yar Ee Cadiz

Kooxda Real Madrid ayaa la kulantay guuldaradeedii ugu horaysay ee horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan kadib markii ay guuldaro kala kulantay kooxda yar ee Cadiz.

Kulanka ayaa ahaa mid ay Real Madrid soo bandhigtay qaab ciyaareed aad u liita iyada oo ay ka muuqdatay daal iyo waliba in ay tabeen xiddigihii ka maqnaa.

Kooxda Cadiz ayaa ciyaaraysay weeraro rogaal celis ah oo halis galiyay kooxda difaacanaysa horyaalka La Liga ee Real Madrid.

Wiilasha Zidane ayaan waxba ula hadhin sidii ay guul u gaadhi lahaayeen laakiin kooxda Cadiz ayaa si fiican u ilaashatay goolkeeda.

Kooxda Cadiz ayaa daqiiqadii 16-aad Real Madrid kaga naxsatay gool kadib markii ay daqiiqadii 16-aad dhaliyeen goolka 1-aad ee ciyaarta.

Real Madrid ayaa samaysay fursado waali ah laakiin ayna u suurtagalnin in ay shabaqa soo taabtaan oo ay dhaliyaan goolka bar-baraha.

Kooxda Real Madrid ayaa xitaa dhalisay gool laakiin Goolkaas ayaa looga diiday Offside taas oo natiijada ku sii haysay 1/0.

Los Blancos ayaa Xitaa birta u garaacday kooxda Cadiz laakiin aan kubada dhex-dhigin shabaqa kadib markii uu Karim Benzema birta sare ku dhuftay kubada.

Real Madrid ayaa daqiiqadihii ugu dambeeyay ee ciyaarta cadaadis xoogan saartay kooxda Cadiz iyaga oo doonayay in ay ka dhaliyaan goolka bar-baraha.

Waxa sidaas ku dhamatay ciyaarta oo ay Real Madrid la kulantay guuldaradii ugu horaysay ee horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan.

Laacib.net

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*