Real Madrid Oo Guuldaro Lama Filaan Ah Kala Kulantay Rangers

Kooxda Real Madrid ayaa guuldaro kala kulantay kooxda Rangers kulan saaxiibtinimo ah oo ay labada kooxood isugu diyaarinayaan xilli ciyaareedka cusub.

Tababare Carlo Ancelotti ayaa la kulmay guuldaradiisii ugu horaysay kadib markii ay Rangers ku garaacday 2/1 kulan kaadhka cas looga taagay Real Madrid xiddig qaybtii dambe.

Real Madrid ayaa ciyaarta si dar-dar leh ku bilaabatay iyaga oo daqiiqadii 8-aadba dhaliyay goolka kadib markii u goolasha u furay xiddiga Rodrygo kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta iyada oo Los Blancos hogaaminayso kulanka natiijo ahaan xilli Rangers ay iska caabin ku samaysay Real Madrid.

Qaybtii dambe ayay kooxda Rangers si dar-dar leh ku bilaabatay ciyaarta iyaga oo doonayay in ay dhaliyaan goolka bar-baraha kuna soo laabtaan ciyaarta.

Daqiiqadii 55-aad ayay Rangers dhalisay goolka bar-baraha iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Fashion Sakala kaas oo ciyaarta ka dhigay bar-baro 2/2 ah.

Xiddiga Nacho ayaa daqiiqadii 75-aad loo taagay kaadhka cas ee tooska ah isaga oo kooxdiisa Real Madrid kala tagay 10 xiddig 15-ka daqiiqo ee ugu dambeeya ciyaarta.

Daqiiqadii 77-aad ayay Kooxda Rangers dhalisay goolka 2-aad waxana u dhaliyay xiddig Cedric Itten kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1 ay kooxda Steven Gerard ku hogaaminayso ciyaarta.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Real Madrid guuldaro lama filaan ah kala kulantay kooxda Rangers kulan isku diyaarinta xilli ciyaareedka ah.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: 6-da Waddo Ee Ugu Fiican Ee Aad Ku Soo Jiidan Kartid Dareenka Wiilka Aad Ka Heshay

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*