Real Madrid Oo Guul Soo Laabasho Leh Ka Gaadhay Mallorca, Barca Ayay Hogaanka Kala Wareegeen.

Kooxda Real Madrid ayaa guul soo laabasho leh ka gaadhay kooxda Mallorca kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga kana dhacay garoonka Santiago Bernabue.

Kulanka ayaa ahaa mid ay Real Madrid si xun ku bilaabatay iyada oo kooxda Mallorca ahayd koox fir-fircoon oo cadaadis saartay kooxda Real Madrid.

Kooxda Mallorca ayaa daqiiqadii 35-aad dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay xiddiga Vedat Muriqi kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa ciyaartana ka dhigay 1/0.

Real Madrid ayaa bilowday in ay raadiso ku soo laabashada ciyaarta iyaga oo weeraro ku qaadayay kooxda Mallorca kuwaas oo difaac galay.

Kadib dadaalo badan oo aan kala joogsi lahayn daqiiqadii 45+3-aad ayay Real Madrid dhalisay goolka bar-baraha waxana u dhaliyay xiddiga Federico Valverde kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/1.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay Labada kooxood bar-baro ku yihiin laakiin Real Madrid tahay kooxda fiican.

Qaybtii dambe ayay Real Madrid ku bilaabatay si dar-dar leh iyaga oo doonayay in ay hogaanka u qabataan ciyaarta.

Laakiin Mallorca ayaa difaacasho adag kala hor tagtay kooxda Iyaga oo goolkooda si fiican u difaacanayay.

Daqiiqadiin 72-aad ayay Real Madrid dhalisay goolka 2-aad waxana u dhaliyay xiddiga Vini Jir kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa ciyaartana ka dhigay 2/1.

Los Blancos ayaa sii waday dadaalada ay ku doonayso in ay ciyaarta ku disho iyada oo ay kooxda Mallorca difaaca ka soo baxday si u dhaliso bar-baraha.

Daqiiqadii 89-aad ayay Real Madrid dhalisay goolka 3-aad waxana u dhaliyay xiddiga Rodrygo kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/1.

Xiddiga Antonio Rudiger ayaa daqiiqadii 93+3-ad dhaliyay goolkisiii ugu horeeyay ee Real Madrid isaga oo ciyaarta ka dhigay 4/1.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Real Madrid guul soo laabasho leh ka gaadhay Mallorca hogaankaan kala wareegtay Barcelona.