Real Madrid Oo Guul Ku Bilaabatay Difaacashada Champions League & PSG Oo Garaacday Juventus.

Kooxda Real Madrid ayaa guul ku bilaabatay difaacashada tartanka champions League kadib markii ay garaaceen kooxda Celtic kulan xiiso lahaa oo ay labada kooxood soo bandhigeen.

Celtic ayaa ahayd kooxda fiican marka loo bar-bar dhigo Real Madrid kuwaas oo kaliya maamulayay ciyaarta.

Kooxda Celtic ayaa ku fiicnayd dhinaca fursad samaynta laakiin waxa ka maqnayd dhamaystirka fursadaha iyaga oo ku fashilmay fursado badan oo ay goolal ku dhalin kareen.

Qaybta hore ee ciyaarta ayaa ku dhamaatay 0/0 laakiin labada kooxood ayaa u qalmay in ay dhaliyaan goolal gaar ahaan kooxda Celtic oo ahayd kooxda halista badan.

Kooxda Celtic ayaa si dar-dar leh ku bilaabatay qaybta dambe ee ciyaarta iyaga oo ku dhawaaday dhawr mar in ay dhaliyaan goolka 1-aad ee ciyaarta laakiin uma suurtagalin arintaas.

Real Madrid ayaa daqiiqadii 56-aad dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay xiddiga Vini Jir kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa kana dhigay ciyaarta 1/0.

Wixii intaas ka dambeeyay Real Madrid ayaa raadinaysay in ay dhaliso goolal ay ciyaarta ku disho xilli ay Celtic dhinaceeda raadinaysay in ay ciyaarta ku so laabato.

Daqiiqadii 60-aad ayay Real Madrid dhalisay goolka 2-aad waxana u dhaliyay xiddiga Luka Modric kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0 ay Los Blancos ku hogaaminayso ciyaarta.

Los Blancos ayaan halkaas ku joogsan waxana ay qaadaysay weeraro aan kala joogsi lahayn iyaga oo raadinaya goolal kale waxana daqiiqadii 77-aad goolka 3-aad u dhaliyay xiddiga Eden Hazard kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/0.

Dhinaca kale kooxda PSG ayaa guul 2/1 ah ka gaadhay kooxda Juventus kulan xiiso lahaaa Iyada oo uu Mbappe dhaliyay labada gool ee ay PSG ku badisay.