Real Madrid Oo Guul Ka Gaartay Barcelona , Qeybtii Hore Ayay Ka Taqaluseen Xilli Hogaanka La Liga Dhakada Sare Ka Istaageen.

Real Madrid ayaa guul muhiim ah ka gaartay Barcelona oo marti u aheyd xilli Real qeybta hore ay soo bandhigeen hanaan ciyaareed aad u wacan halka qeybtii labaad ay gacan sareysay Barcelona

Real Mdrid ayaa nasiinada Barcelona ugu dirtay laba gool oo nadiif ah waxa ayna wada ciyaarayeen kulan ka tirsan wareegga 30-aad ee La Ligaha

Real kulankaan waxa ay ku bilaabeen qaab cadaadis oo Karim Benzema meel waliba ayuu taagnaa xittaa shaqo daafac ah ayuu qabanayay .

Barcelona waxaa qeybtaas lagu dilay kubad raacasho iyo marka Real kubadd cagtooda gasho in si deg deg ah loogu soo jiido gooshooda taasi oo qal qal qal gilineysay Barcelona .

Junior oo aan horay u sheegnay in halis uu ku noqon doono Barcelona ayaa garabkiisa si xor ah uga xaroonayay illaa ugu dambeyn Barcelona lagu keenay gool uu si qurux badan u dhaliyay Benzema daqiiqadii 13-aad waxaana ka muuqday qalad weyn oo dhanka daafaca ah .

Real waxa ay aad ugu wacnaayeen daafaca iyo in durba kubadda ka qaataan Barcelona waxaana saaxibadda Messi lagu dilay kubad raacasho waxa ayna u nuglaayeen gool labaad marka la eego sida Real ay u tageysay aagga goosha Barcelona .

Daafaca Real aad ayay u foojignaayeen , taxadarkooda waa uu sareeyay oo ku aadan in uusan qalad ka dhicin oo kubadda waliba oo Barcelona isku daydo in ay banaanka ka toogato waa ay is hortaagayeen maadaama Barcelona maciin bidiyeen arinkaas ka dib markii albaadada laga xertay .

Real gool labaad ayay ku heleen Barca oo Free Kick ah waxaana kubad uu laaday Kross ay ku dhacday xididg Barcelona waxaana ka dib sii madaxeeyay oo shabaqiisa dhigay Jordi Alba daqiiqadii 28-aad.

Daafacyada Real waxa ay ku guuleysteen in ilaalo daba socosho ah ka qabtaan Messi iyo Demeble oo ah labada xiddig ee dagaalka ugu jiray in meel fog goosha Real ka toogtaan waxa ayna Barca daqiiqadii 33-aad ku sigteen gool sedexaad birta iyo goolhayaha ayaana bad baadiyay waxaana sidaas sameeyay Valverdi oo birta ahaa iyo Vasquez oo uu goolhayaha u diiday .

Dhamaadkii qeybta koowaad , Barca kubadda waa ay ku badnaayeen balse meel goosha u maraan ayay waayeen oo daafac Real darbi ayuu ahaa xilli dhaawacii Vazquez uu faa`ido siiyay Barca kaais oo daqiiqadii 43-aad lagu badlaay da`yarka Odiiozola.

Barca inkastoo goolashaas lagu lahaa hadana loo ogaladay in ay kubadda iska haystaan waxaa dhanka kale muuqaneysay in qadka dhexe ahaa mid aan wacneyn waxaana marqaati ka ah in la arkayay Messi oo dib u soo laabanaya si kubadda uu u jiido .

Qeybta labaad , Barcelona waa ay ka wacnaayeen qeybtii hore oo biloow isku dayo leh ayay sameeyeen kubaddana waa ay gaarsiinayeen aagga goosha Real Madrid kuwaasi oo iyana ku wacnaa isku balaarinta garoonka waxa ayna Barca soo laabashadii horay u soo giliyeen Antoine Griezmann oo loo saaray Sergino Dest

Daqiiqaddii 55-aad Griezmann ayaa laga diiday gool uu dhaliyay sababo la xariira Offside , waxaana xusi karnaa in Barca laga filan karay gool xilli Real-na halis ku ahaayeen kubadaha rogaal celiska .

Heerka kubadda hayshada Barcelona ee biloowga qeybtaas labaad waxa ay gaareysay %68 , cadaadisna waa ay sameynayeen illaa ay keeneen gool uud aqiqiadii 59-aad u dhaliyay scar Mingueza ka dib kubad uu soo qajafaeeyay Jordi alba .

Ka dib Zidane waxa uu soo giliyay giliyay Ansensio oo loo saaray Valverdi xilli saaxibada Benzema ay ku sigteen gool iyadoo kubad uu laaday Vinicius Junior uu difaacay Arojo balse birta middig ee goosha Barca ayay ku sii dhacday .

Real qeybta labaad hubkooda waxa uu ahaa kubadaha rogaal celiska ah waxaana daqiiqadii 65-aad gool xaqiiq ahaa ka qasaariyay Vinicius Junior oo kubad la soo laaday la soo baxday halka ka dib furado wacan ay helayeen balse nasiibka ayaa ka maqnaa .

Qeybihii dambe , Barcelona waa u dhawaanayeen in gool kale ku helaan Barcelona waxa ayna daqiiqadii 64-aad iyo 72-aad soo giliyeen Sergi Roberto iyo Moriba halka Real-na soo giliyeen daqiiqadihii 72 iyo 73-aad xiddiga kala ah Diaz , Isco iyo Marcelo loo loo saaray Benzema , Kross iyo Junior.

Waxaa xusid mudan in Barcelona ay xaadir ahaayeen qeybta labaad balse kaliya ay ka sheeganayeen go`aano qaadasho deg deg ah xilli badaladii ugu dambeeyay ay daqiiqaddii 81-aad ku soo giliyeen Braithwaite iyo Trincao.

Barcelona cadaadis aan kala joogsi laheyn ayay Real saareen waxa ayna dhamadkii ku doodeen in aan loo dhigin rigoore ay lahaayeen ka dib markii Mendy uu  qadka jibiska ka caagan uu ku riixay Braithwaite , waxaana xusid mudan in qeybta labaad guud ahaan in kubadda cagta ugu jirtay Barcelona , Real-na ay door bidieen kaliya daafac iyo in kubadaha rogaal celiska ah ay ku tiirsanaadaan

Real waxaa daqiiqadii 90-aad kaarka casaaka ka qaatay Casemiro ka dib qalad uu ku galay Braithwaite , waxa ayan guud ahaan ciyaarta ku dhamaatay 2/1 oo ay Real hogaanka dhakada sare kaga fariisteen.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Kalmado Cajiib Ah Oo Ruxa Qalbiga & Dareenka Gabadha Hadii Ay Kaa Maqasho Nafteeda Ayay Kuu Hibaynaysaa

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*