Real Madrid Oo Guul-darro Ku Biloowday Champion-ka , Shakhtar Ayaa Banaanka Dhigtay Dal-dalooda Real

Qeyb hore oo ay dhacday ceeb kubadda cagta ah , waxa ay kooxda Shakhtar Donetsk nasiinada ugu direen Real sedex gool oo nadiif ah oo banaanka soo dhigay dal daloolada Real ka hor kulanka Elclasico ee Barcelona .

Qeybtaas, Real iyaga ayaa ku badnaa kubadda balse ma aysan helin meel ay u maraan goosha kooxda martida ah kuwaasi oo si weyn isugu xernaa .

Shakhtar Donetsk waxa ay Real ku dileen kubadaha rogaal celiska ah iyo qaladaad daafac oo banaanka ahaa oo ay sameeyeen wiilasha Zidane .

Sedexda gool waxa ay ku yimaadeen qaladaad daafac waxa ayna dhasheen daqiiqadihii 29-aad , 33-aad xilligaas oo uu Varane iska dhaliyay goolka halka kan sedexaad uu dhashay daqiiqaddii 42-aad

Real , qeybtaas waxa ay kale oo ay ka sheegteen dhanka weerarka oo Luka Jovic isma muujin taasi oo keentay in qeybta labaad la badali doono .

Qeybta labaad , Zidane waxa uu horay u soo giliyay Benzema oo loo saaray Rodrygo , iyaga ayaan kubadda ku badnaa xilli badalkii labaad uu ahaa mid lagu liibay .

Waxa uuna Zidane daqiiqaddii 59-aad soo giliyay Vinicius Junior oo loo saaray Luka Jovic balse kubaddii ugu horeysay ee uu taabtay gool ayuu ku dhaliyay daqiiqaddii 59-aad Ka dib dhacdadaas , Real kubadda iyaga ayaa ku badnaa balse waxa ay halis ugu jireen in rogaal celis gool looga dhaliyo haddii uusan ahaan laheyn goolhaye Courtois kaasi oo daqiiqadii 63-aad gool xaqiiq ahaa bad baadiyay

Kooxda martida waxa ay ku wacnaayeen isku balaarinta garoonka iyo kubad raacashada waana midda dishay Real xilli Zidane wiilashiisa mararka qaar ay u dhawaanayeen goolka bar bar dhaca.

Real waxa ay u nuglaayeen gool afaraad marka la eego iyaga oo wada weerar ahaa waxaana daqiiqadii 79-aad Shakhtar Donetsk laga diiday gool sababa la xariira Offside , waxa ayna Real daqiiqaidi 70-aad soo giliyeen Kross oo loo saaray Modric .

Real , dhamaadkii waa ay cadaadiyeen kooxda martida illaa ay ku keeneen goolka bar bar dhaca waqtigii dheeriga balse VAR ayaa diiday , waxa ayna ciyaarat ku dhamaatay 3/2 oo Real lagu garaacay

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*