Real Madrid Oo Guul Ay U Qalmeen Ka Gaadhay Huesca & Hazard Oo Gool Wareer Ah Ugu Soo Laabtay Goolasha Kooxdiisa.

Kooxda Real Madrid ayaa guul ay u qalantay ka gaadhay kooxda Huesca Kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga kana dhacay garoonka Alfredo Di Stefano.

Kulanka ayaa ahaa mid ah Real Madrid maamulaysay laakiin ay kooxda Huesca Si fiican u difaacaysay goolkeeda sidoo kale ku qaadaysay weeraro rogaal celis ah.

Xiddigaha Kooxda Real Madrid ayaa intii badnayd ee qaybtii hore ku dhibaatootay in ay dhaafto daafac bir ah oo ay dhigeen kooxda Huesca.

Laakiin Arintaas ayaa Los Blancos ka hor istaagin in ay wadaan isku dayga ay ku doonayeen goolasha iyo waliba samaynta fursadaha ciyaarta.

Daqiiqadii 40-aad ayay Real Madrid heshay goolkii ay u dadaalaysay iyaga oo uu gool wareer ah u dhaliyay xiddiga Eden Hazard kaas oo sidaas ku dhaliyay goolkiisii ugu horeeyay ee Real Madrid ee xilli ciyaareedkan.

Kooxda Real Madrid ayaan halkaas ku joogsan waxana ay sii wadeen raadinta goolasha kale iyo waliba samaynta Fursadaha ay ku doonayaan in ay ciyaarta ku dilaan.

Daqiiqadii 45-aad ayay Real Madrid dhalisay goolka 2-aad ee ciyaarta iyaga oo uu markan u dhaliyay Karim Benzema kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0 ay Los Blancos ku hogaaminayso ciyaarta.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay Real Madrid dhalisay goolasha daqiiqadihii ugu dambeeyay ee dhamaadka qaybta hore.

Qaybtii dambe ayay Real Madrid si dar-dar leh ku bilaabatay iyaga oo doonayay in ay dilaan ciyaarta kooxda Huesca-kana ka hor istaagaan soo laabasho.

Daqiiqadii 54-aad ayay Los Blancos dhalisay goolka 3-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay xiddiga Federico Valverde kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/0.

Kooxda Huesca ayaa daqiiqadii 75-aad dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga David Ferreiro kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/1.

Daqiiqadii 89-aad ayay Real Madrid sii dheeraystay goolasha kadib markii uu Karim Benzema goolkiisii 2-aad ee ciyaarta ka dhaliyay kana dhigay 4/1 ay kooxda Los Blancos ku hogaaminayso ciyaarta.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Real Madrid guusha ku gaadhay Eden Hazard-na gool qurux badan u dhaliyay kooxdiisa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*