Real Madrid Oo Go’aan Kama Dambays Ah Ka Gaadhay Wararka La Xidhiidhinaya Cristiano Ronaldo.

Maamulka kooxda Real Madrid ayaa go’aan kama dambays Ah ka gaadhay Wararka la xidhiidhinaya xiddigeedii hore ee Cristiano Ronaldo iyo soo laabashada CR7 ee kooxda.

Cristiano Ronaldo ayaa si weyn loola xidhiidhinayay ku laabashada Real Madrid todobaadyadii ugu dambeeyay kadib markii ay Juventus wareega 16-ka kaga hadhay champions league xilli ciyaareedkii 2-aad oo xidhiidh ah.

Wargayska MARCA ayaa sheegay in ay maamulka Real Madrid gabi ahaan meesha ka saareen fikrada ah ku soo laabashada Cristiano Ronaldo ee kooxda marka la gaadho suuqa xagaaa dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Isla wargayska ayaa sheegaya in ay Real madrid doonayso in ay horay u socoto laakiin ayna dib ugu laaban xiddigeedii hore laakiin u dhaqaaqi doonto saxiixa xiddigo da’yar ah oo ay ku xoojiyaan booska sida xiddiga Kylian Mbappe.

Juventus ayaa dhankeeda la shegayaa in ay diyaar u tahay in ay 25 milyan kaga iibiso Real Madrid xiddiga Cristiano Ronaldo laakiin Maamulka Los Blancos ayaa sheegay in ayna wax xiiso ah u qabin saxiixa Cristiano Ronaldo.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Qaab Fudud Oo Aad U Soo Jiidan Kartid Gabadh Adiga Oo Aan Xitaa Hal Kalmad Ah Odhan, Hada Tijaabi.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*