Real Madrid Oo Go’aan Kama Dambays Ah Ka Gaadhay Mustaqbalka Eden Hazard.

Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa inay dhageysan doonto dalabyada Eden Hazard marka la gaadho suuqa kala iibsiga bisha January iyada oo ay kooxdu isku diyaarinayso imaatinka xiddiga Kylian Mbappe sanadka 2022.

Los Blancos ayaa ku guuldarreysatay inay ku qanciso Paris Saint-Germain inay iibiso Mbappe xagaaga laakiin waxaa la filayaa in ay dib ugu laabato baacsiga xiddiga reer France suuqa January ama dhamaadka xilli ciyaareedkan markaas oo ay qaab xor ah ku heli karto.

Sida laga soo xigtay todofichajes, kooxda Carlo Ancelotti ayaa diyaar u ah inay iibiso Hazard si ay boos ugu hesho xiddiga koobka adduunka ku guulaystay si uu u yimaado kooxda.

Wararka ayaa sheegaya in kooxda ka dhisan caasimadda ay dhageysan doonto dalab kasta oo loo soo bandhigi karo weeraryahankii hore ee Chelsea marka la gaadho suuqa January.

Hazard, oo weli saddex sano ay uga harsan tahay heshiiskiisa ayaa dhaliyay kaliya 5 gool 47 kulan oo uu u ciyaaray Real Madrid tan ilaa markii uu ku biiray kooxda xagaagii 2019.

Sii Akhriso: Waxyaabaha Uusan Ninku Weydiin Gabadha Uu Jecelyahay

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*