Real Madrid Oo Go’aan Ka Gaadhay Wararka La Xidhiidhinaya Cristiano Ronaldo

Kooxda Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa in ayna wax qordhe ah u hayn in ay la soo saxiixato xiddiga kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo.

Inkasta oo uu xiddiga reer Portugal dhaliyay 95 gool 121 kulan oo uu u ciyaaray Juventus hadana xiddiga 35 jirka ah ayaa ku dhibaatooday in uu ku hogaamiyo kooxda Juventus tartanka champions League.

Xilli ay 18 bilood ka hadhsantahay heshiiskiisa kooxda Juventus waliba kooxdu ku jirto xaalad dhaqale oo xun waxa soo baxay warar sheegaya in uu Ronaldo isa tagi doono Turin.

Si kasta ha ahaatee wargayska MARCA ayaa sheegaya in ayna kooxda wax qorshe ah u hayn in ay la soo saxiixdaan xiddiga reer Portugal suuqa xagaaga.

Kooxda Los Blancos ayaa haatan ku jirta xaalad adag oo dhanka dhaqaalaha ah sidaas darteed ma awoodo in ay bixiso mushaharka Cristiano Ronaldo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*