Real Madrid Oo Go’aan Ka Gaadhay Soo Laabashada Cristiano Ronaldo Ee Bernabue Kadib Markii Loo Soo Bandhigay Saxiixa Xiddiga.

Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa in ayna xiiso u qabin saxiixa xiddigeedii hore ee Cristiano Ronaldo.

Ka dib wareysi muran badan dhaliyay oo uu siiyay Piers Morgan, Ronaldo ayaa si weyn loo filayaa in uu isaga tago Man United marka la gaadho suuqa January.

Kooxaha Chelsea iyo Sporting Lisbon ayaa ilaa haatan lala xidhiidhinayaa saxiixa Ronaldo laakiin waxa soo baxay shalay warar sheegaya in uu wakiilka xiddigu u soo bandhigay Real Madrid.

Wararka aya aintaas sheegaya in uu Ronaldo heshiis 6 bilood oo kaliya ah ugu biiri doono Real Madri si uu u buuxiyo booska xiddiga dhaawacyada ku dhibaatoonaya ee Karim Benzema.

Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay The Mirror, Real Madrid lama filayo inay la soo wareegto Ronaldo ama weeraryahan kale suuqa January iyaga oo aan wax xiiso ah u qabin in ay dib u soo celiyaan Ronaldo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*