Real Madrid Oo Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalka Zinedine Zidane

Kooxda Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa in ay go’aamisay in uu Tababare Zinedine Zidane sii hogaamiyo kooxda xilli ciyaareedka dambe waliba heshiis cusub u soo bandhigto tababarhaa.

Tababaraha 48 jirka ah ayaa ku soo laabtay Madrid waxana uu kula jiraa heshiis ilaa dhamaadka xilli ciyaareedka dambe ah.

Real Madrid ayaa qaab ciyaareed niyad jab leh soo bandhigtay xilli ciyaareedkan taas oo shaki galisay mustqbalka tababaraha ee kooxda.

Laakiin wargayska Telefoot ayaa sheegaya in ay maamulka Real Madrid ku faraxsanyihiin shaqada tababaraha waliba diyaar u yihiin in uu xilli ciyaareed kale sii hogaamiyo kooxda.

Wararka ayaa sheegaya in uu jiro heshiis cusub oo loo soo bandhigi doono tababarhaa dhamaadka xilli ciyaareedkan hadii uu kooxda koob ku hogaamiyo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*