Real Madrid Oo Garaacday Eibar Kulan Ay Kooxda Zidane Si Fiican Isugu Diyaariyeen Kulanka Liverpool.

Kooxda Real Madrid ayaa guul ay u qalmeen ka gaadhay kooxda Eibar kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga kulan ay Los Blancos guul isugu diyaarisay kulanka Liverpool ee Champions League.

Qaybta hore:

Real Madrid ayaa kulanka ku bilaabatay si dar-dar leh iyaga oo maamulayay ciyaarta xilli ay Eibar qaadaysay weeraro rogaal celis a dhanka kalena ku jirtay daafac.

Daqiiqadii 5-aad ayay Real Madrid dhalisay gool waxana u dhaliyay Karim Benzema laakiin goolkaas ayaa la diiday sabab la xidhiidha Offside uu ku jiray xiddiga reer france.

Real Madrid ayaa heshay fursado deg-deg ah kadib arkii uu Asensio birta ku dhuftay kubad ka hor inta uuna Nacho madax dul marin goolka Eibar halisna galin.

Daqiiqadii 38-aad ayay Real Madrid dhalisay gool waxana u dhaliyay xiddiga Asensio laakiin goolka ayaa la diiday kadib markii ay VAR muujisay in uu xiddigu Offside ku jiray.

Daqiiqadii 41-aad ayay Real Madrid dhalisay gool sax ah waxana markan shabaqa dhex dhigay kubada xiddiga Asensio kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa kana dhigay ciyaarta 1/0.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay Real Madrid 1/0 ku hogaaminayso ciyaarta laakiin Los Blancos laga diiday laba gool qaybta hore ee ciyaarta.

Qaybta Dambe:

Real Madrid ayaa sidii qaybtii hore ku bilaabatay qaybta dambe si fiican iyaga oo doonayay in ay ciyaarta dilaan ka hor inta ayna kooxda Eibar ku soo laaban ciyaarta.

Los Blancos oo uu Offside dhibay ayaa daqiiqadii 71-aad laga diiday Gool uu u dhaliyay xiddiga Karim Benzema kaas oo loo diiday Offside uu ku jiray xiddigu.

Laakiin daqiiqadii 73-aad ayuu Isla Karim Benzema soo laabtay waxana uu dhaliyay goolka 2-aad ee kooxdiisa isaga oo ciyaarta ka dhigay 2/0 ay Los Blancos ku hogaaminayso ciyaarta.

Daqiiqadihii  geerida Eibar si waliba auyay u dadaaleen balse waa loo diiday in kubadda si sax ah u gaarsiiyaan aagga goosha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*