Real Madrid Oo Garaacday Deportivo Alaves Talaabo Kale Oo Muhiim Ahna U Qaaday Ku Guulaysiga Horyaalka La Liga.

Kooxda Real Madrid ayaa talaabo kale oo muhiim ah u qaaday ku guulaysiga horyaalka La Liga kadib markii ay guul ka gaadheen kooxda Deportivo Alaves kulan ka tirsanaa todobaadkii 35-aad ee horyaalka.

Kulanka ayaa ahaa mid dar-dar ku bilaabatay iyada oo labada kooxoodba raadinayeen goolal wakhti hore ah oo ay midba midka kale kaga naxsato si ay ciyaartu ugu fududaato.

Daqiiqadii 3-aad ayay Deportivo Alaves ku dhawaatay goolka iyada oo uu xiddiga gool madax oo halis ah ka dhalin gaadhay Real Madrid kadib markii ay dib ugu soo laabatay kubad birta ku dhacday.

Daqiiqadii 9-aad ayay Real Madrid dhalisay goolka 1-aad iyaga oo uu u dhaliyay kabtanka Karim Benzema oo hogaaminayay kooxda maadama uu Sergio Ramos maqnaa.

Xiddiga Ferland Mendy ayaa khalad lagu galay isaga oo dilinta ganaaxa ku jira waxana gool u badalay Benzema oo ciyaarta ka dhigay 1/0.

Kooxda Alaves ayaa mar kale daqiiqadii 15-aad khatar galisay goolka Real Madrid iyaga oo uu xiddiga Joselu mar kan ku dhawaaday in uu ka dhaliyo Real Madrid.

Daqiiqadii 25-aad ayuu Goolhayaha Real Madrid ee Courtios sameeyay badbaadin cajiib ah kadib markii uu xiddig Alaves ah kubad xoogan ku laagay goolka Los Blancos.

Daqiiqadii 40-aad ayay Real Madrid ku dhawaatay in ay dhaliso gool kale kadib markii uu Lucas Vazquez kubad soo hor dhigay goolka Alaves laakiin kubadiisa ayaa si toos ah uga baxday ciyaarta.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay Real Madrid ku hogaaminaysay 1/0 uu Karim Benzema dhaliyay laakiin Los Blancos ayaa garoonka kala bixi kartay goolal intaas ka badan sabab la xidhiidha fursado badna oo ay heleen.

Qaybtii dambe ee ciyaarta ayaa ku bilaabatay rabitaan xoogan oo ay Real Madrid doonaysay in ay sii dheeraysato hogaanka ciyaarta wakhti horena disho natiijada.

Waxa badal lagu sameeyay Garsoorihii dhex-dhexaadinayay ciyaarta kadib markii uu dhaawac soo gaadhay iyada oo lagu badalay garsoorihii 4-aad.

Los Blancos ayaa daqiiqadii 51-aadba dhalisay goolka 2-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Marco Asensio kaas oo baas ka helay karim Benzema.

Wiilasha Zidane ayaa sii waday samaynta fursadaha ay ku doonayaan goolasha kale iyaga oo aan waxba ula hadhin laakiin Alaves ayaa si fiican u difaacanaysay.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Real Madrid gaadhay guul 2/0 ah kuna sii dhawaatay ku guulaysiga horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*