Real Madrid Oo Garaacday Cadiz Kuna Soo Laabatay Wadada Guulaha

Kooxda Real Madrid ayaa garaacday kooxda Cadiz kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga iyaga oo ku soo laabtay wadada guulaha.

Real Madrid ayaa guud ahaan ahayd kooxda fiican iyaga oo ka awood badnaa kooxda Cadiz kuwaas oo aan tijaabo badan qaybta hore ku samayn goolka Real Madrid.

Kooxda Cadiz ayaa si fiican goolkeed auga difaacatay Real madrid xilli ay qaadayeen weeraro rogaal celis ah.

Daqiiqadii 40-aad ayay Real madrid dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay xiddiga Eder Mililtao kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.

Wixii intaas ka dambeeyay Cadiz ayaa daafac ka baxday si ay u dhaliso goolka bar-baraha taas oo fur-furtay ciyaarta.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay Real Madrid hogaaminayso natiijo ahaan ciyaarta xilli Cadiz lafteedu iska caabin samaysay.

Qaybta dambe ayay Real Madrid sii waday dadaalka waxana ay iska khasaariyeen fursado badan oo ay ku dhalin kareen goolal.

Daqiiqadii 70-aad ayay Real madrid dhalisay goolka 2-aad waxnaa u dhaliyay xiddiga Toni Kroos kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0.

Kooxda Cadiz ayaa dhinaceeda sii waday fursadaha ay samaynayso waxana ay daqiiqadii 81-aad dhalisay gool uu u dhaliyay xiddiga Lucas Perez.

Waxa sidaas ku dhamataay ciyaarta oo ay Real Madrid ku soo laabatay wadada guulaha isla markaas soo yaraysay dhibicii ay ka dambaysay kooxda Barcelona.