Real Madrid Oo Garaacday Athletic Bilbao, Hogaamiyayaasha Horyaalka Oo La Joojin Laayahay & Los Blancos Oo 7 Dhibcood Ku Qabatay Hogaanka La Liga.

Kooxda Real Madrid ayaa guul dirqi ah ka gaadhay kooxda Athletic Bilbao Kulan ka dhacay garoonka San Mames kana tirsanaa horyaalka La Liga todobaadkii 34-aad.

Kulanka ayaa ahaa mid adag oo ay labada kooxoodba soo bandhigeen qaab ciyaareed fiican dhan walba hadii ay tahay dhanka daafaca, dhanka khadka dhexe iyo waliba dhanka weerarka.

Labada kooxood ayaa si dar-dar leh ku bilowday ciyaarta iyaga oo qaadayay weeraro ay mid walba doonaysay in ay kaga faa’iidaysato khaladka kooxda kale Kooxda Real Madrid ayaana daqiiqadii 5-aad ka faa’iidaysan gaadhay khalad ay galeen daafacyada kooxda Athletic Bilbao kadib markii uu xiddiga Marco Asensio kubad xoogan ku laagay Goolhayaha aoo si cajiib ah u badbaadiyay goolkiisa laakin kubadii ka soo booday ayuu Karim Benzema ka faa’iidaysan waayay.

Athletic Bilbao ayaa daqiiqadii 10-aad ku dhawaatay in ay dhaliso goolka 1-aad kadib khalad uu sameeyay Sergio Ramos waxana kubada la baxasay xiddiga Williams kaas oo Goolhayaha Real la hor tagay laakiin Marcelo ayaa wakhti munaasib ah soo dhex galay sidaasna ku fashiliyay fursadii Athletic Bilbao.

Athletic Bilbao ayaa dhanka maamulista ku badnayd xilli ay Real Madrid si fiican u difaacanaysay goolkeeda kana hor istaagaysay fursado walba oo ay kooxda kale isku daydo in ay samayso.

Kadib markii ay labada kooxood is dhaafsadeen fursado dhawr ah oo ay koox walba ku doonaysya in ay hogaanka u qabato ciyaarta waxa bar-baro goolal la’aan ah ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta kooxaha Athletic Bilbao iyo Real Madrid.

Qaybtii dambe ayay kooxda Real Madrid ahayd kooxda maamulaysay ciyaarta iyaga oo xitaa ahaa kooxda fursadaha badan halka Athletic Bilbao ahayd koox weeraro rogaal celis ah qaadayay.

Kooxda Real Madrid oo ay VAR tan ilaa markii dib loo bilaabay xilli ciyaareedka si weyn faa’iido ugu tahay ayaa Los Blancos rikoodhe u dhigtay kadib markii khalad lagu galay xiddiga Marcelo.

Daqiiqadii 73-aad ayuu kabtanka Los Blancos ee Sergio Ramos u istaagay rikoodhada isaga oo sidaas ku dhaliyay goolka 1-aad ee ciyaarta kana dhigay 1/0 ay Real Madrid ku hogaaminayso ciyaarta.

Kooxda Athletic Bilbao  ayaa xoojisay dadaalka ay ku doonayeen goolka bar-baraha laakiin waxa ay mar walba la kulmayeen iska caabin xoogan oo daafaca Real Madrid ah.

Dhanka Kale Real Madrid ayaa dhawr jeer ku dhawaatay in ay dhaliso gool kale iyada oo uu ugu fiicnaa fursad uu Karim Benzema helay laakiin kubadiisa ayuu Iska difaacay Goolhayaha Athletic Bilbao.

Ugu dambayn waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Real Madrid gaadhay guul mihiim ah iyaga oo si ku meel gaadh ah 7 dhibcood ugu qabtay hogaanka horyaalka La Liga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*