Real Madrid Oo Finalka Cope Del Rey Iska Xaadirisay , Barcelona Ayay Reebeen

Barcelona iyo Real ayaa nasiinada ku aaday bar bar dhac min hal gool  ah waxa ayna ciyaarayeen kulan semi finalka Cope Rey ah kaasi oo ka dhacayay magaalada Riyad ee Saudi Arabia

Qeybta hore waxa ay labada koox soo bandhigeen ciyaar taatiko ahaan ahaan xumeyn oo ay hareysay qasaarinta fursado .

Barcelona qeybtaas hore waxa y ku tiirsanaayeen kubadaha rogaal celiska ah

Qeybta labaad Barca xoogaa waa ay soo wacnaayeen kubadana waa ay qabsanayeen balse xalka buuxa ayaa maqnaa , labada gool waxaa u kala dhaliyay   Junior iyo L D Jong

Real fursado cajab ah ayay heleysay mar birta ay u diido iyo mar goolhayaha uu bad baadiyo ayay aheyd ilaa lagu keenay gool cajiib waxana saxiixay Benzema  .

Barca waa looga fiicnaa halis gilinta xilli maamulka kubadda ahaa mid isu dhaw labada dhinac

Barca  dhamaadkii cadaadis ayay sameynayeen waa ayan u dhawaayeen gool ilaa Alba kubad uu soo qajafeeyay uu Fati si cajiib ah ugu dhaliyay madaxa daqiiqadii 83-aad waxaana  ka muuqday qalad dhanka daafaca ah .

Waqtigii geerida Real iyaga ayaa u nuglaa gool sedexaad balse daafaca ayaa si la yaab u bad baadiyay xilli shabaqa nadiif ahaa

Si waliba waxa ay ciyaarta ku dhamaatay min laba gool waxaan lagu daray waqti dheeri ah .
Biloowgii qeybta labaad , ciyaar deggan ayay soo bandhigeen balse Barca si ka bad badis ayay afka hore ugu dhaqaaqayeen ilaa lagu keenay gool sedexaad aad u qurux badan waxaana daqiiqadii 98-aad ka dhaliyay . Valverde halka daqiiqadii 100-aad Barca laab jeer laga bad baadiyay goolal xaqiiq ahaa  waxaana lagu nastay 3/2.
Qeybta labaad ee waqtiga  dheeriga ,Barca isku dayo ayay sameyneysay balse waxaa dilayay go`aan qaadasho deg deg ah .
Barca iyaga ayaa wacnaa  waliba fursado ayay abuureen waxa ayna  ciyaarta ku dhamaatay  3/2

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*