Real Madrid Oo Fariin U Dirtay PSG Kadib Ku Guulaysiga Champions League.

Real Madrid, oo heysata rikoorka koobabka ugu badan ee Champions League, ayaa aaminsan in Paris Saint-Germain ay u qalantay ku guulaysiga Champions League xilli cigaareedkan.

Kooxda Luis Enrique ayaa ku guuleystay finalka Champions League iyaga oo qaaday koobkoodii ugu horeeyay taariikhdooda ka dib markii ay 5-0 kaga badiyeen Inter Milan finalkii Munich 2025.

Real Madrid ayaa barteeda twitterka soo dhigtay qoraal hambalyo ah oo ay u dirtay kooxda Paris Saint-Germain iyo tababarahooda Luis Enrique galabnimadii Axadda, saacado kadib markii ay dhamaatay ciyaartii labada kooxood ku dhexmartay fiidnimadii Sabtida ee magaalada Munich.

Real Madrid ayaa dhambaal hambalyo ah ku tidhi: “Hambalyada diiran ee aan u dirayo Paris Saint-Germain iyo taageerayaasheeda ku guulaysiga koobka Champions League 2024-25. Waxa uu ahaa koob ay u qalmeen”.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga